Cashada Rabbiga iyo sidaad u hoggaamin lahayd
Ciise Masiix wuxuu yidhi “Anigu waxaan ahay kimista nolosha ee samada ka soo degtay. Qof alla qofkii kimistaas cuna waligii wuu nooolaan doonaa. Kimistaasu waa jidhkayga aan nolosha dunida aawadeed u bixinayo.” Wadaagista Quduuska ah ama “Cashada Rabbiga” waa hab aan ugu dabaal degno isku-xidhkeenna dhow iyo xidhiidhkeenna joogtada ah ee aan Ciise la leenahay. Waa kan hab fudud oo loo dabaal dego!
Markaad isu timaaddaan idinkoo ah kuwa Ciise raaca, waqti ku qaata fikir deggan, adinkoo aamusnaan ku milicsanaya oo qiraya dembiyadiinna. Markaad diyaar noqotaan, qof ha akhriyo qaybtan Qorniinka ka mid ah -- “Waayo, Rabbiga ayaan ka helay wixii aan idinkana idiin dhiibay, in Rabbiga Ciise habeenkii la gacangeliyey uu kibis qaatay; markuu mahadnaqayna, ayuu jebiyey oo yidhi, ‘Kanu waa jidhkayga idiin ah; tan u sameeya xusuustayda.’” 1 Korintos 11:23-24
Kooxdiinna u diyaarsada kibista oo qaybiya, dabadeedna cuna.
Akhriska sii wada -- “Sidaas oo kale ayuu cashada dabadeed koobkiina u qaatay oo yidhi, ‘Koobkani waa axdiga cusub ee dhiiggayga; tan sameeya mar kasta oo aad cabtaan, xusuustayda.’” 1 Korintos 11:25
Kooxdiinna u diyaarsada casiirka ama khamriga wadaaga, dabadeedna caba.
Akhriska ku soo gabagabeeya: “Waayo, mar kasta oo aad kibistan cuntaan oo koobkan cabtaan, waxaad sheegaysaan dhimashada Rabbiga ilaa uu yimaado.” 1 Korintos 11:26
Ducada ama hees ku dabaal dega. Waxaad wada qaadateen Cashada Rabbiga. Idinku waxaad tihiin kuwii isaga leh, isaguna waa kiinnii!
Is waydii
- Baybalku muxuu ka leeyahay waxa loo baahan yahay iyo waxa aan loo baahnayn si Cashada Rabbiga looga qayb qaato?
Maanta bilow Zúme Training
Waa gebi ahaanba bilaash, waxaadna bilaabi kartaa wakhti kasta—xawaarahaaga ayaad ku socon kartaa, meel kasta oo aad joogto.
Lacag la’aan isku diiwaan gali.