Zume SHJI


Ma mid runtii 100 boqol fasax ah baa?

Haa. ma lahan qeybo lacag bixin ah, xilli tijaabo ah ma jiro, ma jiro wax dabosocod ah oo ku saabsan iibka alaabada. Si xor ah baan ku bixinaa.

Immisa jirbaad ku qaadanaysaa tababbarka?

Waxaan tababbarka kula talinaynaa dadka ay da'doodu tahay illaa 13-sanno-old iyo ka badan. Haddii aad leedahay ilmo da'daas jira aadse la rabtid inuu ka faa'iidaysto ha ka soo qayb galaan.

Ka warran haddii qof rabo in la tababbaro oo uusan lahayn cinwaan e-mail?

Ugu yaraan hal qof oo kooxda ka mid ah waa inuu lahaa akoon iimayl oo ay baraha bulshada ugula xidhiidhaan. Kaqaybgaleyaasha dusha ka eegaya uma baahna ciwaan iimayl oo ay kooxda u bilaabaan.

Sideen u dul marri karaa casharrada inta aanan bilaabin hawsha tababbarka?

Ka eego “Guudmarka” qayntiiisa. Waxa ay kuu muujinaysaa ujeeddooyinka, qalabka, wixii uu kooxdaadu kulan kasta ku dhaqan gelin lahaayeen.

Muxuu tababbarku ka kooban yahay?

Waxaad dulmar ku samaysaa guudmarka koobaha ku jira waxa uu tababban ka kooban yahay, ama waxaado soo degsataa buuggahagaha oo dul waxa koorsooyinku ka kooban yihiin, ama gal oo koox bilow bogga koowaad ee kulanka oo dooro "Sahminta Kuanka". Tani waxay ku siinaysaa inaad dhex marto waxa koorsooyinku ka kooban yihiin adigoo aan u calaamadin sidii in aandhammaystirtay.

Waxaan doonayaa inaan koobiyeysto (Buuggahagaha) tababbarka ka hor. Sidee baan taa u samayn karaa?

Waxaad Buuggahagaha had iyo jeer ka heli kartaa halka ay ku qodhan tahay "KuSaabsan" adoo ka taabanaya bog walba meesha ugu horraysa.

Waxaan si kama' ah u gujiyey boton kale waxaana rabaa in aan ka laabto oo aan muuqaalka eegto mar kale. sideen u asteeyaa?

Isticmaal botonka "Kiihore" iyo "Kanxiga" ee kulanka si aad kulan u kicisid. Qaybta Muuqaalkaguud ayaad nambarka kulanka ee kooxda ka tuujinaysaa oo kulankaas ayaad toos u abbaaraysaa.

Waxa jira tababbarayaal badan oo ah DMM ama CPM; maxaa looga baahan yahay Zúme?

Tanabbarka muuqaalka tooska ahu waa uu ka fiican yahay tababbarka qadka laga galo. Tababbarka qadka laga galo dhacdadiisu la mid ma noqoto Tababbarka tooska waqtigaas is isku arko. Nasiib darro, xaddidnaanta xaddiga isticmaalka, ka warqabka, helitaanka, jadwalka iyo sababo kale oo badan, dad badan oo awooda oo inay muuqaal ahaan uga qayb qaataan ayaan haysan xaddigii adeegsiga. Zúme waa isku day raba inuu siiyo heer gelitaan oo aad u sarreeya oo dadkaan u qalma. Waxa uu adeegsadaa qaababka ay adeegsadaan kuwa tababbarrada muuqaalka tooska ah ku bixiya laga helo. Waxaa intaas dheer, marka qofka lagu tababbaro tababbarka Zúme, waa inay hareerahooda eegaan oo ay kooxdooda samaystaan oo ay kuwa kale u fududeeyaan adeegsiga Zúme. Tanu fursad weyn ayey u yahay xer samaynta.

Maxay weedha iimaan uga dhigan tahay Zúme?

Maddaama Zúme wax urur aho wadin, ma jiro weedh u gaar ah iimaanka. Inteenna wadda oo dhan waxaan isku raacnay Axdigii Lausanne. Read the Covenant

Nafsad ahaantayda tababbarka ma u samaysan karaa?

Maya. Waxaa jira layliyo iyo dhaqan gelinno kulanka ku jira oo ay tahay inay kaqayb galayaal kale dhammaystiraan. Ugu yaraan waa in afar qof ay kulankiiba xaadir ku yihiin.

Waa kuma kan tababbarka sida tooska ah ugu habboon?

Tababbarku waxa uu ku habboon yahay kuwa Masiixa raacsan ee ay da'doodu tahay 13-ama ka weyn ee awooda in ay akhriyaan. Mustaqbalka, waxaa dhici doonta in la helo qayb loogu talo galay dadka aan wax akhriyin, middanise qaybtaas ma ahan. Waxaanka qaadanayo.

Yaa iska leh Zúme?

Ma jiro urur wada Mashruuca Zúme mashruucuna urur ma ahan. Waa dad is kaashaday oo wada oo qalbiguudu ku jiro inay fuliyaan amarkii Masiixa ee ahaa in xer laga dhigo qolo kasta oo dunida joogta oo Boqortooyadiisa lagu faafiyo meel kasta illaa doonistiisa ldhulka looga yeelo siday samadalooga yeelo. fikradda mashruuca waxaa laga dhex aasaasay kulan uu lahaa Jonathan Project leadership wixii intaas ka dambeeyayna aad ayuu usii fiday. Jonathan Project waa dad isu tegay oo u go'ay inay xerta ku badiyaan adduunka oo dhan.

Maxay saddexda weji oo la qorsheeyay kala yihiin?

WEJI 1:
Wuxuu ku jeedaa Isutagga Maraykanka waana af Ingiriisi. Hadafka koowaad waxaa weeye in la helo koox tababbaraynsa oo ka kooban afar illaa labo iyo toban qof 5,000 ee qof ee dalka ku nool. Mid kasta oo kooxahan la tababbaro ka mid ah waxay bilaabi doonaan labo kaniisadood oo jiilka koonaad ah kuwaa dababdeed bilaabaya inay sii farcamaan. Inta Maraykanka dhexdiisa diiradda la saarayo waxaa weeye 65,000 oo kooxood oo Zúme ka tirsan oo Ingiriisiga ku hadla iyo 150,000 oo kaniisadood.

WEJI 2:
Wejiga labaad wuxuu diiradda saarayaa ilaalinta kaniisadahaha Wejiga 1 si ay hannaanka taranka ugu socdaa iyo sidoo kale inay luuqadaha adduunka ugu waaweyn adduunka mashruuca kusoo daraan. Mashruucu wuxuu bilaabi doonaa luuqadahan soo socda oo uu u diyaarin doonaa kuwa raba inay tarjumaan tababbarka iyo qalabka luuqadahaas dheeraadka ah ee: Amxaariga, Carabiga, Bengaliga, Bhojpuri, Burmese-ga, Shiinayska kuwa (Mandarin), Shiinayska kuwa (Cantonese), Faarsiga, Faransiiska, Jarmalka, Gujarati-ga, Xausaha, Hindiga, Indonesiynka, Talyaaniga, Jabbaanayska, Kannadiyaanka, Koriyaanka, Maithili-ga, Malayalam-ka, Marathi-ga, Oriya-ga, Panjabiga (Bari), Panjabi (Galbeed), Boortaqiiska, Ruushka, Isbaanishka, Sawaaxiliga, Taamil-ka, Telugu-ga, Taylaanka, Turkishka, Urdu-ga, Fiitnaamiga,iyo Yoruba.

WEJI 3:
Wejiga saddexaad wuxuu diiradda saarayaa Wejiga 1 iyo Wejiga 2 oo ah sidii kaniisadda caalamka loogu qalabayn lahaa aragtida ah in meel walba xer laga sameeyo, iyo dad walba. Mashruuca Zúme wuxuu u taagan yahay in caalamka xerta lagu badiyo facan aan haatan joogno. Si aan ujeedkeenna u dhaqaajinno, waxaan horumarinay oo aan keeni doonnaa qariidad kooxaha u sahlaysa inay tababbarka Zúme ee kooxaha kaga dhex shaqeeyaan oo ah in labo kabniisadood laga dhex heli 50,000 ee qofba Maraykanka dibaddiisa.


Maxay tahay sababta loogu bixiyey magaca Zúme?

Zúme waxay af Giriig ku tahay qamiir. Sida ku jirta Matayos 13:33 Ciise wuxuu yidhi, “Boqortooyada jannada waxay u eg tahay khamiir, kan naagi intay qaadday ay saddex qiyaasood oo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen.” Tani waxay tilmaamaysaa sida dadka iska caadiga, iyaga oo waxaa ay haystaan adeegsanaya, ay saamayn aan caadi ahayn Boqortooyada Ilaah ugu yeelan karaan. Zúme ujeedkiisu waxaa weeye in lagu qalabeeyo oo lagu xoojiyo sidii rumaystayaasha caadiga ahu deriskooda u gaadhi lahaayeen.

Luuqadahee ayaa tababbarka lagu tarjumi doonaa?

Mashruucu wuxuu ku billaaban doonaa luuqadahan soo socda waana u diyaar kuwa doonaya inay ku tarjumaan luuqado dheeraad ah waxaana ka mid ah: Amxaariga, Carabiga, Bengaliga, Bhojpuri, Burmese-ga, Shiinayska kuwa (Mandarin), Shiinayska kuwa (Cantonese), Faarsiga, Faransiiska, Jarmalka, Gujarati-ga, Xausaha, Hindiga, Indonesiynka, Talyaaniga, Jabbaanayska, Kannadiyaanka, Koriyaanka, Maithili-ga, Malayalam-ka, Marathi-ga, Oriya-ga, Panjabiga (Bari), Panjabi (Galbeed), Boortaqiiska, Ruushka, Isbaanishka, Sawaaxiliga, Taamil-ka, Telugu-ga, Taylaanka, Turkishka, Urdu-ga, Fiitnaamiga,iyo Yoruba.Si aad u aragtid horumarka la cusboonaysiiyey tag_Horumarka Tarjumaadda Luuqadda.

Sidee bay kooxuhu ku bilaabmaan ma kuwo meel kasoo wada jeeda mise kuwo is abaabulay?

Taas ayey ku xidhan tahay. Haddii kuwa la tababbarayaa ay ka wada yimaadaan kaniisad gaar ah ama mad'hab ama shabakad dabadeed kooxihii cusbaa ee la sameeyay ayaa waxa ay ku xidhmayaan kaniisadaha, ama madaahiibta ama shabakadda. Hadii loo baahdo, iskuxidh cusub ayaa laga samayn karaa kooxihii bilaabay dhexdooda. Doorasho saddexaad ayey kooxihii la aasaasay haystaan ay ugu biiraax iskuxidhka kaniisadaha yaryar ee horay u jiray. Dad badan oo ah kuwa ku lugta leh horumarinta Zúme shabakadahan wada shaqaynta ayey ka yimaadeen sidaas darteed waan habayn karnaa haddii loo baahdo.

Miyaan arki karaa Qorshahayga Saddex-Bilood?

Adiga keliya ayaa arki kara qorshahaaga, illaa aad kooxdaada ku xidhiidhisid mooyaane, dabadeed hoggaamiyaha kooxda iyo ku xigeenka ayaa arki kara Qorshahaaga Saddex Bilood. Sidoo kale waxaa qorshahaaga arki kara tababbarahaaga. haddaanad tababbare doonayn, tag faylka ciwaankaaga oo hagaaji tixraaca tababbaraha adoo tegaya "Diid Tababbare".

Miyaan daabici karaa Qorshahayga Saddex-Bilood?

Haa, iska hubi inaad marka koobaad kaydisid qorshahaaga, dabadeed ku soo jiid meesha hoose ee qorshahaaga oo guji "Daabac Qordhaha Lakaydiyey" botonkiisa.

Miyaan goor dambe tafatiri karaa Qorshahayga Saddex-Bilood?

Haa, waxaad dib ugu laaban kartaa oo aad tafatiri kartaa maqti kasta. Hubi inaad gujisid botonka "Kaydi"ee qorshahaaga.

Miyuu Zúme i soonayaa qaab aan kula sheekaysto dadka ku jira kooxda?

Ma ahan waqtigan. Waxaan kuu sheegaynaa in xubin walba oo kooxda ka mid ah ay is diwaangelin samayso oo ay ku jirto kooxdaada Zúme. Sidan ayey xubin walba hawlqabad ugu yeelanaysaa qalabka mar kastoo ay doonaan. Dabaadeed sida ay doonaan ayey kooxdu farriimaha isu weydaarsan karaan sida (iMessag, WhatsApp, Facebook group, IWM.) oo ah xidhiidhada dheeraadka ah.


Ujeeddooyinka Mashruuca Zúme:

Macnaha Zúme waxaa weeye Giriig ahaan Khamiir. Sida ku jirta Matayos 13:33, Ciise waxa uu yidhi, "Boqortooyada jannada waxay u eg tahay khamiir, kan naagi intay qaadday ay saddex qiyaasood oo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen.” Tani waxa ay tilmaamaysaa sida dadka caadiga ah, oo waxyaabo caadi ah isticmaalaya ay u saamayn weyn oo aan caadi ahayn ugu yeelan karaan Boqortooyada Ilaah. Zume ujeedkiisu waa inay rumaystayaasha caadiga ah u qalabeeyaan sidii ay deriskooda ku gaadhi lahaayeen.

Xer ka dhex sameeya Degmo kasta oo Caalamka ugu weyn, idinka oo adeegsanaya habka tababbarka qadka ee tooska ah oo ka qayb galayaasha ku qalabaynaya waxyaabaha waxyaabaha aasaasiga ah ee xer-samaynta, iyo dhisidda kaniisad yar, qaabkeeda badinta, iyo dhiirrigelinta.

Af


English English
العربية Arabic
العربية - الأردن Arabic (JO)
Sign Language American Sign Language
भोजपुरी Bhojpuri
বাংলা Bengali (India)
Bosanski Bosnian
粵語 (繁體) Cantonese (Traditional)
Hrvatski Croatian
فارسی Farsi/Persian
Français French
Deutsch German
ગુજરાતી Gujarati
Hausa Hausa
हिंदी Hindi
Bahasa Indonesia Indonesian
Italiano Italian
ಕನ್ನಡ Kannada
한국어 Korean
کوردی Kurdish
ພາສາລາວ Lao
𑒧𑒻𑒟𑒱𑒪𑒲 Maithili
國語(繁體) Mandarin (Traditional)
国语(简体) Mandarin (Simplified)
मराठी Marathi
മലയാളം Malayalam
नेपाली Nepali
ଓଡ଼ିଆ Oriya
Apagibete Panjabi
Português Portuguese
русский Russian
Română Romanian
Slovenščina Slovenian
Español Spanish
Soomaaliga Somali
Kiswahili Swahili
தமிழ் Tamil
తెలుగు Telugu
ไทย Thai
Türkçe Turkish
اُردُو Urdu
Tiếng Việt Vietnamese
Yorùbá Yoruba
More languages in progress